Uncategorized

Mourinho oo difaacay ciyaaryahan Fellaini ka dib ciyaartii shalay

iftineducation.com – Baraha bulshada waxaa lagu eedeynayaa Ciyaaryahanka kooxda Manchester United Fellaini, kaas oo sabab u ahaa shalay in kooxdiisa barbardhac ay gasho.
Fellaini ayaa bedel ku soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaana loo keenay inuu difaaco Manchester si kullanka ay u badiyaan.

Mourinho ayaa si weyn ugu baahnaa inuu kullankaasi badiyo si dhibco uu u helaan oo usoo dhowaadaan kooxaha hogaanka haya.
Laakiin Everton ayaa gool ku laad heshay ka dib markii Fellaini uu lugta uga istaagay Idrissa Gueye, sidaas ayeyna ku baaba’day fursadii Man U.
Waxayna ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, taas oo niyad jebisay taageerayaasha Manchester United.
Macallim Mourinho waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciyaaryahanka qadka dhexe Maroune Felaini uu ku keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.
Mourinho waxa uu sheegay in ay iska cadahay sababta uu Felaini u keenay taas oo ah inuu yahay qof dheer iyo weerarka Everton oo xoog badnaa.