Uncategorized

Mashruuc dumarku leeyihiin oo xirfado lagu barto oo bulshada Cadale anfaca

iftineducation.com – Mashruuc dumarku leeyihiin oo xirfado lagu barto ayaa bulshada Cadale anfaca.


Dumarka Cadale gaar ahaan xero barakaceyaal oo halkaa ku taal ayaa shaqo la’aanta sidaa uga hortaga ayagoo darmo iyo waxyaabo kale oo caw ka samaysan soo saara.


Sidaa ayay cidahooda ku taageeraan oo quutul yowmka ugu soo saaraan. Cadale waa dagaan aan aad uga fogeyn caasimada Muqdisho.



Xirfada tolida darmaha iwm ayaa laiska dhaxlaa gudaha Soomaaliya oo waalidiinta qaarkood ay ilmahooda baraan.


Waxaa sidaa lagu dhimaa gargaarka baniaadminimo ee ay u baahan yihiin barekaceyaasha halkaa kunool.


Waxay sidoo kale dumarkaasi ku horumariyaan noloshooda iyo tan bulshada halkaa kunool.


Barakaceyaasha halkaa kunool ayaa kasoo barakacay gobolka jaarka ah ee Shabeelaha Hoose.


Dagaalo gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay ayay kasoo barakaceen dadkaasi.


Dumar tiradoodu ku dhowdahay 100 ayaa ku shaqeysta sidaa maadaama ay kudaaleen sugitaanka gargaar u yimaada.


Subixii hore ayay shaqadaa bilaabaan haweenkaasi waxayna isku madadaaliyaan heeso dhiiri galin ah inta ay shaqada wadaan.


Darmaha kasokow ayaa waxay soo saaraan babisyo, dambiilo, xaaqino nooc waliba leh iyo alaabo kale.


Qiimaha alaabadaa ayaa jaban waana tayo wanaagsan tahay alaabadaasi,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *