Uncategorized

Madaxweyne Donald Trump oo Bogiisa Twitter-ka ugu Hanjabay Shirkadda Diyaaradaha Suubisa ee Boeing (VIDEO)

iftineducation.com – Madaxweynaha aan weli xika la Wareegin ee Maraykanka Donald Trump ayaa shirkadda Boeing ugu hanjabay inuu ka joojin doono mashruuca lasiiyay Shirkadaasi oo ahaa, inay samayso labo diyaaradood oo lagu qaado Madaxweyneyaasha Maraykanka Diyaaradaasi oo loo yaqaan [Air Force One].


Shirkada Boeing oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dunida, isla markaana diyaaradaha u sameysa Madaxtooyada Maraykanka ayaa wada mashruuc ay ku dhiseyso labo diyaaradood oo 747 ah laguna qiyaasay inay ku bixi doonto lacag gaaraysa 4 Bilyan oo dollar.





Madaxweyne Trump ayaa ka soo horjeestay dalabkaasi, kuna soo qoray bartiisa twitter-ka Qoraal uu ku sheegayo inay tahay wax lalayaabo qiimaha qaaliga ah oo ay ku kaceyso dhismaha Labadan diyaaradood ee Air Force One. Isagoona ku baaqay in mashruucaasi la joojiyo.






Shirkada Boeing ayaa lagu waday inay dhismaha diyaaradahan ay soo gabagabeyso sanadka 2022, 






balse waxaa hada muuqata in Madaxweynaha cusub uu doonayo in gorgortan horleh uu la galo shirkadan diyaaradaha sameysa oo kamid ah kuwa dhaqaalaha badan ka sameeyey hubka iyo diyaaradaha ay u sameeyaan dowlada Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *