Uncategorized

Kriti Sanon Oo Aamir Khan Kala Soo Muuqan Doonto Filimka Thugs of Hindostan

iftineducation.com – Atariishada Kriti Sanon ayaa maanta la hadal haaya in Super star aamir Khan kala soo muuqan doonto Filimka Thugs of Hindostan.


Filimka Thugs Of Hindustan waxaa hogaamiye ka ah Amitabh Bachchan Iyo Aamir Khan maanta waxaa la hadal Haaya in lagu soo dari doono atarshiida filimka Dilwale ee Kriti Sanon.



Kriti Sanon ayaa 2014 kusoo caan baxday filimka HeroPanti ee uu qarash gareeyeha ka ahaa Sajid Nadiadwala Waxaan hogaamiye ka ahaa Tiger shroff.


Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Aamir Khan uu qorsheynaaya inuu Kriti Sanon uu filimka boos wanaagsan ka Siiyo sido kale uu ka dhigi doono mid ka mid ah da’yarta ugu wanaagsan Bollywood-ka waqti xaadirkaan laakiin wili Sii  rasmi ah looma shaacin arintaan.


Filimkaan ayaana duubis lagu bilaabi doono sanadka 2017 gaar ahaan bisha february waxaan daafaha caalamka laga daawan doono Diwali 2018 Filimkaan waxaa maal giliye ka ah shirkada Yash Raj Films.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *