Uncategorized

Faroole oo la Hadlay Warbaahinta Sheegayna in Madaxda Puntland ay ku Fashilmeen Hogaanka (VIDEO)

iftineducation.com – Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland oo dhawaana noqday xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Parlamaanka Federaalka ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxda maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku fashilmeen badbaadinta shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.


Waxana uu sheegay in xubno ka tirsan maamulka Puntland ay ka dambeeyeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen shacab iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.








Waxaa uu sidoo kale musharaxa Faroole xusay in madaxda maamulka Puntland ay cuuryaamiyeen dhaqaalihii shacabka ku nool degaanada maamulka Puntland.


Waxaa uu sheegay in dhaqaalihii Puntland kaga imaan jiray Koonfurta Soomaaliya ay joojiyeen Madax ka tirsan Puntland si ay u dhibaateeyaan shacabka.




Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Puntland maamul xumo awgeed ay dhibaato badan faraha la gashay, Dhowr jaho ayuu sheegay in dagaallo kala duwan ay uga socdaa, iyadoona abaar ay u sii dheer yihiin, sheegayna in madaxdii maamulkana ay si macno daro ah u joogaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *