Uncategorized

Farmaajo oo farriin u diray Musharaxiinta taageerada ka raadinaya dowladaha shisheeye

iftineducation.com – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.


Shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa ayaa waxaa uu uga horeyn uga mahad celiyay shacabkii iyo mas’uuliyiintii ku soo dhoweysay garoonka iyo waddooyinka, isagoo xusay inuu Xamar u yimid inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, tartanka dhici doona dhowaan.




“Waxaan halkaan u imid oo aan fursad idiin siinayaa inaan ahay maanta laga bilaabo musharrax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, tartanka dhici doona maalmaha soo socda, barnaamijkeyga siyaasadeed gadaal baan ka shaacin doonaa, waxaan rabaa inaan diro baaq ku saabsan arrimaha abaaraha, waxaan ognahay in abaar dheer ay dalka ka jirto, dad iyo xoolo badan ay ku baaba’een, waxaan rabaa inaan ganacsatada Soomaaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka aan ugu baaqo inay gacan ka geystaan sidii wax loola gaari lahaa ilaahayna waxaan ka baryeenaa in dhibkaasi iyo culeyskaasi ka dulqaado”ayuu yiri Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo.


Farmaajo ayaa sidoo kale hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sanad-guurada 73aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay.


Musharax Farmaajo ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne inay ku kalsoonaadaan Xildhibaanada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay matalaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo fariin u diray Musharaxiinta aadaya dalalka dibada ee taageerada ka raadinaya dowladaha shisheeye.


“Waxaan rabaa inaan halkaan uga hambalyeeyo xildhibaannada cusub, waxaa maalmahan soo if baxayay in musharraxiinta qaarkood aysan kalsooni ku qabin shacabkooda, waxaan ku boorinayaa musharraxiintaasi u tartamaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, iney imaansadaan shacabkooda iyo xildhibaannada la doortey, kalsoonina ay ka raadiyaan oo aysan aadin dowlado shisheeye iyo wax la mid ah, maxaa yeelay dalkaan Soomaali baa is kaleh, xildhibaannadanna waxaa loo doortay inay noqdaan codka Soomaaliyeed, iyagaa is ka leh awooda cida Madaxweyne ka noqoneysaa dalkaas”ayuu yiri Musharax Farmaajo.


Taageerayaasha Farmaajo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho dhaq dhaqaaqyo ay ugu diyaar garoobayeen soo dhoweyntiisa, waxaana dadkii faraha badnaa ee maanta soo dhoweeyay ay ku sugayeen banaanka garoonka diyaaradaha, kaddib markii loo diiday inay gudaha u galaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *