Uncategorized

FAAH-FAAHIN: Seddex Qof oo Somaali ah oo lagu Dhaawacay weerar toogasho oo ka dhacay Masjid ku yaal Magaalada Zurich

iftineducation.com –  FAAH-FAAHIN: Seddex Qof oo Somaali ah oo lagu Dhaawacay weerar toogasho oo ka dhacay Masjid ku yaal Magaalada Zurich


Seddex Qof oo Somali ah ayaa lagu dhaawacay Masjid ay dad badani ku tukanayeen oo ku yaala magaalada Zurikh ee dalka Switzerland ka dib markii nin hubaysani uu rasaas ood-da kaga qaaday dadkii halkaa ku suganaa oo ay Somalidu ku jiraan.


Gawaarida gar-gaarka deg- deg-ga ah iyo booliska magaalada ayaa soo gaaray goobta ay rasaastani ka dhacday oo ku dhow jid si weyn loo adeegsado ,iyadoo isla markiiba la bilaabay howl-galo lagu baadi goobayo ruuxa gaystay falkan toogashada ah.


“Qof aan la aqoonsan ayaa dhowr rasaas riday ka dib-na ka baxsday dhismaha  “ ayuu yiri afhayeenka booliska Marco Bisa  ,kaasi oo warbaahinta kula hadlay masjidka agtiisa ,,iyadoo booliska ay isku geedeemaan goobta.


“Toogashadu waxa ay ka dhacday gudaha qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof , waxaana dhaawac halis ahi uu gaaray laba kamid ah dadkii halkaa ku sugnaa “ ayuu mar kale yiri  Bisa oo tilmaamay in dadka cisbitaalka la geeyay ay da’doodu kal tahay 30, 35 iyo 36 sano.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira  Imaamkii masjidka oo lagu magacaabo Mustafe Cali Khalif iyo laba qof oo kale oo iyagana la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato ,waxaana xaruntan oo la furay shan sano ka hor  ay tahay goob ay  ku cibaadaystaan Afrikaanka Muhaajiriinta  ah kuwooda muslimiinta ah oo ay  ku jiraan Somalidu.



Dad-goob-joogayaal ah ayaa ku qiyaasay ninka weerarkan gaystay 30-sano jir ku libisnaa dhar- mad madow , waxaana uu ku baxsaday lug ka dib markii uu weerarka gaystay  oo ahayd wax yar ka hor salaad-dii Maqrib.


In yar ka dib toogashada booliska ayaa buundada Gessner ka helay qof mayd ah oo gacanta ku haysta baskoolad ,iyadoo hareeraha goobtana uu wada daadsanaa dhiig badan sida lagu arkay sawirro ay baahisay wakaalad-da wararka ee AFP.



Sawir si dhinac ah loo qaaday ayaa muujinaya in qofka la helay maydkiisa uu wada xirnaa dhar-madow ,iyada oo loo malaynayo in qofkani uu gacantiisa isku dal-dalay ,waxaana agagaarka goobta la weeraray la wareegay ciidamada booliska ee magaalada Zurich.








Ugu danbayn,Lama hubo in Qof-ka maydkiisa la helay uu yahay ruuxii gaystay weerarka ,waxaana booliska uu diiday in uu ka hadlo xiriirka ka dhaxeyn kara weerarkan iyo mid lagu qaaday suuq ku yaala magaalada Berlin ,kaasi oo lagu dilay sagaal qof oo u diyaar- garoobayay ciid-da Kirismiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *