Uncategorized

Dullaan cir iyo dhul ah oo markale Xalab dib uga bilowday

iftineducation.com – Xabad joojintii lagu heshiiyay maalin ka hor ee Xalab ayaa burburtay. Duqeynta diyaaradaha ayaana dib uga bilowday magaalada gaar ahaan goobaha weli mucaaradka ay maamulaan.


Waxaa jiro warar sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya mucaaradka iyo xoogagga taabacsan dowladda uu ka socdo dhanka bariga.



Labada dhinac wuxuu midba mid ka kale ku eedeynayaa dagaalka dib u bilowday ee Xalab.
Ujeedada heshiiska xabad joojinta waxay ahayd in magaalada laga saaro dagaalyahanada mucaaradka iyo shacabka ku go’doonsan.


Basas loo diyaariyay in lagu qaado dadkaasi ayaa dib u noqday ayagoo faaruq ah, ka dib markuu dagaalka bilowday.
Maleeshiyada la baxday Xisbullah oo dowladda la safan waxay sheegtay in 15 kun oo qof laga saaray Bariga Xalab, ayna ka mid ahaayeen afar kun oo dagaalyahan mucaarad ah.


Xisbullah waxay sidoo kale sheegeysaa in dadka ku nool xaafada ay mucaaradka hareereeyeen loo ogolaado in ay ka baxaan halkaasi.


Madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar al-Assad, wuxuu ku andacooday in dalalka reer Galbeedka aysan dan ka leheyn shacabka Xalab.
Wuxuu tilmaamay in madaxda reer galbeedka iyo warbaahintooda inay ka walaacsan yihiin shacabka Xalab, marka dowladda ay ku duushay Xalab oo keli ah.
Wuxuu intaas ku daray inaysan walaac ka muujin markii la weeraray xarunta dhaqanka iyo dhaariikhda ee Tadamur, ama Plamyra, iyo goobo kale.


Hadalkaasi wuxuu u sheegay TV ay leedahay dowladda Ruushka, wana wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii laga guuleystay mucaaradka Xalab.
Hase yeeshee, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, , Mevlut Cavusoglu, wuxuu Suuriya, Ruushka iyo Iiraan ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin qorshaha lagu samata bixinaayo dadka ku go’doonsan bariga Xalab.
Wuxuu sheegay in dadka u baahan gurmadka degdegga ah ay qasab tahay inay yeeshaan mudnaanta koobaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *