Uncategorized

DAAWO:- Wiil si Waalan Gaari u Wadayay oo Maanta Noqday Qofka Loogu Hadalhaynta Badanyahay ee Barta Facebook-ga (VIDEO)

iftineducation.com – Wiil Dhalinyaro ah ayaa maanta galay Shil aad qatar u ah kadib markii isaga oo si waali ah u kaxaynaya gaarigiisa iska duubay Video Facebook-Live ah.


Wiilkan oo dhagaysanayay Music aad codkiisa loo dheereeyay, ayaa waxa uu dadka tusayay xawaaraha waalida ah ee uu ku socday iyo sida uu dhaafayay gawaaridii ka horeysay.


Isaga oo ku socdo xawaare gaaraya 107-mijl oo u dhiganta 173-Km/h ku dhacay gaari weyn oo kuwa qashika qaado ah, waxaana soo gaaray dhaawac aad halis u ah, markii la baaray taleefankiisa ayaa waxa uu booliska arkay muuqaalkii uu iska duubay intii uu gaariga wadayay.




Wiilkan oo lagu magacaabo Onasi olio- Rojas ayaa marka uu isbitaalka ka soo baxo (hadii uu Bad-baado) ayaa waxaa sugaya maxkamad, maadaama uu si ula kac ah naftiisa iyo nafsta shacabka kale ugu soo jiiday qatar aad u baaxad wayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *