Uncategorized

Daawo Video: Israa’iil oo Safiir u dirtay Turkiga iyo wuxuu kala kulmay Erdogan

iftineducation.com – Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay, safiirka dalka Israel u fadhiyi doona Ankara,kaas oo qayb ka ah dib u soo celinta xidhiidhkii dublamaasiyadeed ee labada waddan.




Madaxweyne Erdogan waxa uu qaabilay si diirana u soo dhaweeyay safiirka Israel Eitan Naeh, 


jawigan oo si wayn warbaahinta reer galbeedku u falanqaysay, 


waxa ay meesha ka saari doonta xiisadii dublamaasiyadeed ee muddo lix sanadood ah u dhaxaysay Turkiga iyo Israel, 


taas oo ka dhalatay doonidii Marmara ee mucaawinada u siday Gacanka Qaza ee ciidamada cirka Israel weerareen, 






muwaadiniin Turki ahna ay ku dileen dusheeda.