Uncategorized

Daawo Muuqaal “Saxaafada Caalamka oo aad u hadal haysa Gabar Somali-American ah oo markii ugu horeysay maxkamada kula kulantey Haweeney Cunsuriyad ah

iftineducation.com – Gabar Somali-American ah ayaa markii ugu horeysay waxaa ay maxkamada kula kulantey Haweeney Cunsuriyad ah oo dhaawac xun u geysatey ka dib markii ay Wajiga uga dhufatey bakeeri uu Qamri ka buuxo maadaama ay dhibsatay inaysan gabadhaas Soomaalida ah ay ku hadlayenin luqada Afka Ingiriiska.

Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Asma Maxamed Jaamac oo ku nool magaalada Coon Rapids ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxay soo xaadirtey xukunkii ay maxkamadu ku rideysay haweeney cunsuriyad ah oo lagu magacaabo Jodie Marie Bruchard-Risch oo 44 sano jir ah taas oo sanadkii hore gabadhaas Soomaalida ah ay sabab la’aan ay wajiga kaga dharbaaxday koob uu ka buuxo Qamri markii ay ku halgaaday ka dib markii ay dhibsatey luqada Sawaaxiliga oo ay ku hadlaysay gabadhaas iyo Xijaabka ay xirneyd, iyadoona uu gabadhaas Soomaalida oo uu dhaawac culus ka soo gaarey halkaas gaar ahaana Sanka, Indhaha iyo Bishimaha, gabadhaan Soomaalida ah oo ka hadashay maxkamada ayaa waxay halkaas ayadoo qiireysan ay ka sheegtay inay iska caafisay haweeneydaas maadaama ay arintaas fareyso diinteeda islaamka ah iyadoo sidoo kalena ay sheegtay inaysan wax soo kordhineynin naceyb la isku qaado oo ayna dadka oo dhan ay siman yihiin.




Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hadaladeeda qiirada leh ay soo jiiteen dadkii ka soo qeyb galay dhageysiga dacwadaas ayaa haweeneyda Cunsuriyada ah wax hadal ah uusan ka soo bixin afkeeda iyadoona xataa u quuri weysay gabadhaas Soomaalida inay ka raali galiso dhibaatada ay gaarsiisay, Maxkamada ayaa waxay ku xuntay haweeneydaas Cunsuriyada ah 6 bilood oo Xarig ah iyo 5 sano oo taxadar iyo is ilaalin ah inaysan galin dambi kale iyo Sidoo kale dhaqan celin iyo baaritaan ku saabsan isticmaalkeeda Qamriga, Gabadhaas Soomaalida ah ayaa waxay haweeneydaas kula talisay inay mar walba ay wanaaga ka doorato naceybka ayadoo sidoo kale ay gabadhaas sheegtay in wixii ka dambeeye shilkaas ay nolosheeda wax weyn ay iska badaleen. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *