Uncategorized

Ciidamada Ruushka oo shaaciyey iney qaarajiyeen hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish

iftineducation.com – Ciidamada amniga ee dalka Ruushka waxay sheegayaan inay dileen hogaamiyihii daacish ee Waqooyiga Qowqas.


Rustam Aselderov ayaa waxay sheegeen inuu ka mid yahay shan qof oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo ilaalada wasiirka arrimaha gudaha ee Makhachkala.


Ciidamada Ruushka waxay sheegayaan in ninkaasi uu masuul ka ahaa weeraro badan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Ruushka.


Waxaa ka mid ah weerarada lagu eedeeyay mid dad badan ay ku dhinteen oo dhacay 2013kii kaasoo waxaa lala eegtay qad tareen oo shacabku ay isticmaalaan magaalada Volgograd.




Saraakiisha amaanka ruushka ayaa sheegay in hogaamiyahan uu halis ku ahaa amaanka wadanka Ruushka, geeridiisa ay wiiqeyso kooxaha taabacsan Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *