Uncategorized

Xaas Qiyaanooleey Ah Oo Dishay Ninkeeda Kadib Markii Uu Ogaaday Iney Nin Kale Jaceshahay

iftineducation.com – Gabar u dhalatay koonfur Afrika ayaa dishay ninkeeda oo doonayay inuu wax badan ka ogaado xiriir jaceyl oo kala dhaxeeyay nin kale.


Gabar la dhalatay ninka la dilay oo 45 jir ahaa waxa ay sheegtay in walaalkeed uu joogay guriga naagtiisa uuna ogaa iney qiyaameyso isaga.





Lamanaahan oo ku wada noolaa magaalada Johannesburg ayey xaaladoodu kacsaneyd maalmahan kadib markii naagtu ay bilaawday iney badi ka tagto guriga, waxaana ay ninka uga tagi jirtay caruurta si uu u xanaaneeyo iyaduna waxaa ay aadi jirtay guriga ninka ay jeceshahay.


Ninka ayaa ogaaday in xaaskiisa lala lee yahay waxaana uu bilaabay inuu dabo galo laakiin dagaal ayey arintu isku badashay.


“Waxaa ay ku dagaalameen caruurta hortooda, inagu waxaan u sheegnay gabadha iney  joojiso qiyaanada ay ku wado ninkeeda ayey tiri gabadhaan walaalkeed la dilay.


Booliska ayaa sheegay iney xiren haweeneydaan oo mindi ku dishay ninkeeda si ay u guurasato nin kale.


Afayeenka booliska deegaanka Orange Farm ninka lagu magacaabo Johannes Motsiri waxaa uu sheegay in dhowaan gabadhaan maxkamada lasoo taagi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *