Uncategorized

Wikileaks: Julian Assange oo sheegay in CIA, iyo Sacuudiga ay abuureen Daesh

iftineducation.com – Hay’adda Sirdoonka ee (CIA) oo ay weheliyaan Saudi Arabia ayaa ka gacan gaystay abuurka Dacish (ISIL) kooxda argagaxisada ah, sida uu sheegay aasaasaha Wikileaks Julian Assange.


Munaasabadd lagu sii daaynayay in ka badan nus milyan dokumentiyo cusub maalintii isniinta, Assange ayaa sharaxay silsiladda dhacdooyinka taas oo horseeday kacdoonka takfiirka argagixisada ee Bariga Dhexe.



Waxa uu farta ku fiiqay sirdoonka CIA iyo xukuumada Riyadh tuhmanayaasha ugu wayn isagoo sheegay in ay ku bixiyeen balaayiin dollar islamarkaana ay hubeeyeen dagaalyahanada Afghanistan ee ka dhanka ahaa ciidamada Soviet taas oo aheed talaabada ugu horeysa ee geedi socodka.


Tallaabadaasi ayaana keentay abuurista kooxda argagaxisada al-Qaacida taas oo lagu eedeeyay weerarkii September 11, 2001 oo marmarsiinyo u noqday Mareykanka inay galaan Ciraaq iyo Afghanistan , ayuu yiri Assange.


“Kacdoonkii al-Qaeda iyo weerarkii September 11, 2001 ka dhacay dalka Mareykanka, duulaanka Maraykanka ee Afghanistan iyo Ciraaq in ka badan toban sano oo dagaal ah, ayaa hadana waxaa ka abuurmay kooxda ISIS (Daesh), “ayuu yiri, iyadoo loo marayo wado kale kooxda argagixisada ah.


Sida laga soo xigtay dokumentiyo hore-oo la sii daayay, saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday sanada ka hor in ay jiraan kooxo kala duwan ee xagjirka ah oo qorshaynaya in ay sameeyaan waxa loogu yeero khilafada ee Bariga Dhexe.


Sucuudiga ayaa si cad u maal galinayay waxa ay ugu yeedhaan “Ciidamada mucaaradka” ee Suuriya, koox ka mid ah dagaalyahanada ay taageeraan ree galbeedka kuwaas oo la dagaalamaya dowlada Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad tan iyo sanadkii 2011.


Assange ayaa hadalkan ka jeediyay sanad guuradii lixaad ee mashruuca lagu faafiyo-sirta ,” halkaa oo kooxda ay soo bandhigeen qoraallo sir ah oo ay leeyihiin dawladda Maraykanka oo loogu magac daray “fiilooyinka Carter III,” sii daynta cusub waxaa ka mid ahaa kumanaan dokumentiyo laga bilaabo wakhtigii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *