Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland & Galmudug (Sawiro)

iftineducation.com Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug, 


kaasi oo waaberigii saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo.


Duhurnimadii maanta ayuu soo gaaray dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, 


waxaana labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalka ka dhacay magaalada galbeedkeeda.


Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney hub, 


gaadiid dagaal iyo maxaabiis ku qabteen dagaalka, 


halka Puntland ay sheegtay in gadiid dagaal ku gubeen kuwo kalana ku qabsadeen dagaalkii saaka bilowday.


Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay galbeedka magaalada iyo madaafiicda kusoo dhacday xaafadaha waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.


Xiisada ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana la jibiyay hishiiskii magaalada Dubia ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo dhigayay in xabada la joojiyaa, lana soo celiyaa dadkii ka barakacay Gaalkacyo.




Dhaawacyo ka dhashay dagaalka ka dhacay ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *