Uncategorized

Talaalka cusub ee HIV oo lagu tijaabinayo dalka Koonfur Afrika

iftineducation.com – Tallaalka cusub ee HIV ayaa hadda lagu tijaabinayaa dalka Koonfur Afrika daraasad looga golleeyahay in lagu baraweeyo dhowr kun oo qof, ayay saraakiisha maanta ku dhawaaqeen.


Baadhitaanka ayaa ah kii ugu horreeyay ee toddoba sannadood si loo tijaabiyo waxtarka tallaalka ka dhan ah HIV, ayay sheegeen Machadyada Qaranka ee Caafimaadka (NIH), kaas oo maal-galinaya daraasadda.


Dr. Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Qaranka ee xasaasiyadda iyo cudurada faafa , ayaa ku sheegay war qoraal ah.


“haddii lagu guuleysto tijaabada ka-hortagga HIV , waxa suurtagal ah inaan helno tallaal ammaan ah oo wax ku ool ah oo noqon kara kii ugu danbeeyay ee HIV.



“Xitaa tallaal dhexdhexaad ah oo waxtar leh ayaa si weyn hoos ugu riddi kara waxyeeleenta cudurka HIV muddo dheer ee dalalka iyo dadka heerarka sare ee cudurka HIV ga ayuu raaciyay hadalkiisa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *