Uncategorized

Super Star Vikram Filimkiisa Xiga Xiliga Uu Ka Hawl Gali Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

iftineducation.com Super Satr Vikram iyo taageerayaashiisa waxay weli u dabaal dagayaan filimkiisii ugu dambeeyay Iru Mugan ee tiyaatarada la saaray bishi September kaasi oo Blockbuster weyn noqday.


Haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday Super Star-ka reer Tamil filimkiisa xiga inuu ka hawl gali doono bisha December ee nagu soo fool leh.



Lama shaacin Vikram filimkiisa xiga fariinta uu xambaarsan sidoo kalena magac looma bixinin waana mashruuc aan wax badan laga ogeyn.


Filimkaan waxaa iska leh shirkada Silverline Film Factory halka Vijay Chander uu Director ka yahay waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay ee Vikram filim sameeyahan la shaqeyn doono.


Vikram afhayeenkiisa wuxuu sheegay inuu bishan November inta ka harsan kusoo gaba gabeen doono duubista filimkiisa Sammy 2 ee uu dhawaan qabyo kaga tagay muuqaalada ugu muhiimsan ee filimkaan ka harsanaa lana daawan doono bilaha ugu horeeyo ee sanadka dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *