Uncategorized

Saaxiibada MD Xasan oo ku guuleystay kuraasta Aqalka Hoose ee..

iftineducation.com – Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay wajigii koowaad ee doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay magaalada Jowhar, iyadoo la doortay illaa shan Xildhibaan.


Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa loo doortay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hosoe, isagoo kaga guuleystay C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.



Sanbaloolshe oo ka mid ah dadka aad ugu dhow Madaxweynaha ayaa helay 51 cod oo ahaa dhamaan ergadii wax dooraneysay, halka C/fataax Xasan Afrax aanu wax cod helin.
Wararka qaar ayaa sheegayay in C/fataax Xasan Afrax uu boos celis u ahaa Sanbaloolshe, isla markaana tartanka uu la galay aanu aheyn mid adkaa.
Sidoo kale Faarax Sheekh C/qaadir oo isna ah saaxibka koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna loo doortay Kursiga Aqalka Hoose.
Doorashada Faarax ayaa aheyn mid aan sidaas u xiiso laheyn, maadaama labada Musharax ee la tartamayay ay ahaayeen kuwo uu isaga qortay, isla markaana uu ku jiro wiil uu adeer u ahaa.
Waxaa kaloo isna guuleystay oo kursiga Xildhibaanimo ku soo baxay Wasiirkii Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Xubnahan ku guuleystay Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa dhamaan ah taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la filayo in xildhibaanada ugu badan uu ka helo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *