Uncategorized

Midowga Yurub: Trump jaahilnimadiisa khatar ayay ku tahay xiriirka Yurub

iftineducation.com Doorashada Donald Trump ee Madaxweynaha Maraykanka ayaa halis ku ah , xiriirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Maraykanka, waa sida uu sheegay Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker maalintii jimcaha.


Guusha lama filaanka aheed ee doorashada Maraykanka ayaa aheed mid aan u wanaagsaneen Midowga Yurub iyo Howlahiisa, 





ayuu Juncker u sheegay dadkii kasoo qaybgalay kulan ka dhacayay magaalada Luxembourg .
“Doorashada Trump waxay khatar ku tahay inay waxyeelayso xiriirka qaaradaha aasaaska iyo qaab-dhismeedka,” ayuu yiri Juncker, kaas oo ah madaxa fulinta ee Midowga Yurub kana mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan Yurub.
Hadalada Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub ayaa ku abuuray dareen iyo walaac saa’id ah wadamada Qaarada Yurub ee doorashada Trump, kaasoo mararka qaar amaanay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin islamarkaana su’aalay mabda’a difaaca wadareed ee NATO.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *