Uncategorized

Mid kamid ah qoyska Boqortoyada Sacudi Carabiya oo xukun karbaash ah lagu fuliyay

iftineducation.com – Amiir ka mid ah boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa lagu dhex karbaashay xabsi ku yaal magaalada Jiddah kadib markii ay maxkamad xukuntay bil ka yar markii la xukun qisaas ah lagu fuliyay amiir kale.


Sida lagu daabacay wargeyska Okaz ee ka soo baxa Boqortoyada Sacudi Carabiya amiirkan la karbaashay oo aan la magacaabin ayaa weli xabsi ku sii jira.





Hase yeeshee lama sheegin dambiga uu galay amiirkan kaasoo sababay in la karbaasho.


Xukunka karbaashka ah ayaa fuliyay askari ka tirsan ciidamada Booliska Isniintii aynu ka soo gudubnay kadib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay Amiirka la karbaashay.


Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa xukun dil ah lagu fuliyay Amir Turki bin Saud al-Kabir kadib markii uu qirtey inuu diley Adel al-Mohaimed.


Bogga arrimaha bulshada dadka isticmaala ayaa u tarjumay xukunadan ku dhacay Amiirada mid calaamad u ah sinaan dhinaca sharciga.


Boqor Salman oo 80-sano jir ah ayaa loo malaynayaa inuu doonayo in uu wax ka qabto boqolaal dhalinyaro qoyska reer Boqor ah kuwaasoo sidey doonaan u dhaqma.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *