Uncategorized

Mid ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleeyada oo ku soo biiray Musharaxiinta u taagan qabashada…

iftineducation.com – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Munsaabad ka dhacday 


Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.



Munsaabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween iyo xubno kale, waxaana uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.
Qaar ka mid ah Dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Shariif Xasan uu u qalmo qabashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya 2016 ilaa 2020-ka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhankiisa hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa waxa uu sheegay in wax badan uu dalka u qaban doono hadii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *