Uncategorized

Masar oo heshiis batroolka ku saabsan la galaysa Iran

iftineducation.com – Wasiirka batroolka dalka Masar ayaa booqasho aan horey looga baran ku tagaya dalka uu xifaaltanka ka dhaxeeyo dalkiisa ee Iran, si uu heshiis cusub ula soo saxiixdo dalkaasi.


Masar ayaa dhibaato kala kulmaysay sidii ay u soo dhoofsan la hayd saliid tan iyo markii Sucuudiga uu bishii hore hakiyay heshiis kala dhaxeeyay dalka Masar.



Sucuudigu ma sheegin sababta rasmiga ah ee uu u hakiyay arrintaasi balse waxa la saadaalinayaa in labada dal uu muran soo kala dhex galay kaddib markii Masar ay qaraar Suuriya ku saansan ku taageertay Ruushka.
Xukuumadaha Moscow iyo Riyaad ayaa kala taageera dhinacyada kala geddisan ee ku dagaalamaya dalka Suuriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *