Uncategorized

Maraykanka oo u digay muwadiniintiisa Yurub jooga

iftineducation.com – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa ka digtay halista sii kordhaysa ee ku saabsan in weeraro ay ka dhacaan qaaradda Yurub.


Muwaadiniintoodana waxay ugu baaqday in ay jiraan warar lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ay weeraro qorshaynayaan kooxda isku magacawda 





Dawladda Islaamka iyo kuwa taageersan oo ay macquul tahay in ay bartilmaameed ka dhigtaan goobaha ay ka dhacayaan xuska ciidda Christmas-ka.
Labo sano ka hor Faransiiska waxaa ka dhacay labo weerar oo kala duwan oo lagu bartilmaameedsaday suuqyo looga dukaamaysto Kirismaska.


Labadaas weerarba waxaa loo kala adeegsaday gawaari si aan aaboyeel lahayn loogu dhex eryay dadkii dukaamaysanayay.


Booliiska Faransiiska ayaa xiray todobo ruux maalmihii la soo dhaafay iyaga oo looga shakisan yahay in ay qorshaynayeen weerar malayshiyo.


Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiisku si gaar ah uma uusan sheegin goobaha la rabay in la qarxiyo.




Laakiin waxaa la qorshaynayaa in maalinta Jimcaha ah la furo mid ka mid ah suuqyada ugu qadiimsan uguna wayn ee looga dukaamaysto Christmas-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *