Uncategorized

Magacaabidda madaxa ciidammada Israa’iil oo maxkamadi hakisay

iftineducation.com – Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa go’aamisay in ay waajib tahay in dib loo dhigo magacaabidda rasmiga ah ee madaxa ciidammada,


 arrintaas oo ay ku sababaysay hadal uu mar jeediyay oo dad aad u badani cambaareeyeen loona arkay mid ku salaysan yahay nacayb ku aadan dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee hamadu isu qabato.


Maxkamadda sare ayaa ilaa Arbacada u qabatay Kornayl Eyal Karim si uu u cadeeyo mawqifkiisa ku aadan arrimahaas.





Ciidammada ayaana dib u dhigay caleemo saarkiisii ilaa iyo wakhtigaas ay maxkamaddu sheegtay.




Toban sano ka hor ayuu Kornaylku sheegay in kitaabka Yuhuudu uu fasaxayo in ciidammadoodu ay u galmoodaab haweenka aan Yuhuuda ahayn marka dagaalka lagu jiro.
Sidoo kale raga ama dumarka isku jinsiga ah ee hamadu isu qabato ayuu ku tilmaamay xanuunsan oon u dhaqmaynin sidii dabiiciga ahayd, laakiin wuxuu sheegay in hadalkiisa la badalay oo laga leexiyay macnaha qaabkii loola jeeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *