Uncategorized

Madaxweyne Xasan oo sheegay inay bixiyeen deymihii caalamku ku lahaa Soomaaliya

iftineducation.com – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysey si lama filaan ah u sheegay in Soomaaliya dib u gudey qaaraamaadkii iyo deymihii ku ururay ee ururo iyo dowlado caalamka ah ku lahaayeen.


– Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed ogaado, dowladdu waxaa ay bixisay Qaaraamaadkii ama Qaaraankii ku ururay dhowrkii sanno ee aan ka maqneyn hay’addaha caaalamiga ah., 



taasna waxay ku timid dedaal dheer oo aan bixiney.


Saddex todobaad ka hor ayaa Madaxweynuhu madal ol-olihiisa doorashada kamid ah ka sheegay in Soomaaliya lagu lee yahay 5 bilyan oo dollar, 


markaas kama hadlin wax deyn ah oo Dowladdu bixisey, 




waxaa la is weydiinayaa waxa hadda ku soo aadiyey iyo tirada lacagta Dowladdu bixisey inta ay le’egtahay marka la eego $5 bilyan ee Dollar ee deynta ahaa ee Madaxweynuhu sheegay.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *