Uncategorized

Maayarka magaalada New York oo digniin siiyay Trump

iftineducation.com – Duqa magaalada New York oo ah Dimuquraadi, Bill de Blasio, ayaa sheegay inuu Donald Trump ku wargeliyay in bulshooyiinka magaaladaasi ku nool ay ka baqayaan qorshihiisa tarxiilidda muhaajiriinta.




Waxa uu tilmaamay Mr De Blasio in madaxweynaha la doortay uu uga digay inuu tallaabada noocaas ahi fuliyo.



“Waxaan u sheegay inaan sameynayo wax kastoo aan awoodo si aan u difaaco soo galootiga aan sharciga haysan, si qoysaska aanan loo kala geyn”. ayuu yiri
duqa magaalada New York, oo ah magaalada uu deggan yahay Trump, wuxuu xaqiijiyay in magaaladiisa ayku dhisan tahay soogalooti.
Mr Trump wuxuu sheegay inuu masaafurin doono ama xabsi gelin doono qiyaastii seddax milyan oo qof oo si sharci darro ah ku galay Maraykanka horayna dembiyo u geystay.
Sidoo kale, maayarada magaalooyiin ay ka mid yihiin Los Angeles iyo Washington ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan muhaajiriinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *