Uncategorized

KASHIFAAD: Yaa Gaalkacyo Ku Weeraray C/kariin Xuseen Guuleed

iftineducation.com – Habeenkii xalay ahaa xilli saq dhexe ah waxaa weerar xooggan lagu ekeeyey hoteelka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka degan yahay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Weerarkaasi waxaa soo qaadey rag hubeysan oo illaa saakay lagu wareersanaa halka ay ka yimaadeen, waxay ahaayeen iyo sidoo kale meesha laga soo dirsaday.


Hase ahaatee xog aynu si hoose u helnay waxay sheegayaan in meleeshiyaadka weerarka soo qaadey ay ka tirsanaayeen kuwa ku sugan Gaalkacyo gaar ahaan waxa uu ka yimaadeen dhanka Puntland.

Waxay si hoose uga soo tallaabeen Koontaroolkii maagaalada, iyaga markii ay yimaadeen halkaasi dagaal aad iyo aad u xooggan billaabey, balse waa la iska caabiyey.

Waxa ajira caddeymo muujinaya oo saakay laga helay halka weerarka ka dhacay, hase ahaatee la codsadey inaan bannaanka la keenin si aanu mar kale dagala uga billaaban Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ballanqaadey inuu xabsi ku uruurinayo dhammaan maleeshiyadii weerarka soo qaaddey iyo sidoo kale saraakiisha soo amartay, Puntland iyana ammarkaasi ayaa la siiyey.

Gaalkacyo maanta aad ayeey u deggan tahay, balse waxaa aad loo hadal hayaa weerarkii habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaaladaasi xilli dadku nabad ay filayeen.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *