Uncategorized

Dowladda oo shaacisay inay bixisay Deymihii Somaliya lagu lahaa

iftineducation.com – Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Somaliya inay bixisay deymihii lagu lahaa dalka mudadii dalka Dowlad la’aanta uu ahaa.


Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in dowladda in ay dadaal dheeri ah  ay ku bixisay bixinta deymihii lagu Somaliya.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in  Somaliya ay dayactirtay safaaradihii ay ku la heyd dalalka Caalamka qaarkood.





Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale  ay ku raja weyn tahay in ay dhisto safaaradaha ay ku leedahay Caalamka.


“Deymihii iyo qaaraankii nalagu lahaa ayaan dib u bixinay, hadii ay tahay IGAD hadii ay tahay Midowga Afrika, hadii ay tahay hay’ado kale oo caalami ah, wixii nalagu lahaa waxna waan bixinay, waxna waa nalaga cafiyay, waxna jadwal ayaan u sameysanay oo aan ku bixinayno, markaasaa maanta meel kasta codkeena dib uga noqday waan ka codeyn karnaa ra’yina waan ku leenahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.


Shacabka Somaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay la shaqeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *