Uncategorized

deg deg digniin:

iftineducation.com – Wararka ka imaanaya magaalada Columbus  ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dhallinyaro Somaliyed, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhacday.
Weerarka halka uu ka dhacay waxaa ku geeriyoodey wiil magaciisa lagu sheegay Qaasim Maxamed, iyadoo uu ku dhaawacmay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasi oo isna magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali.



Saraakiisha ciidanka Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa mid loola dan lahaa dhallinyaradaasi Soomaaliyeed, balse ay baarayaan cidda weerarkaasi ka dambeysa.
Mid kamid ah ehelada dhallinyarada oo la hadlay warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta loo weerarey dhallinyaradaasi Soomaaliyeed.
Horey sidan oo kale dalka Mareykanka waxaa weeraro kala duwan lagu qaadey muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *