Uncategorized

Daawo Sawirada: Xidhibaankii Sedexaad oo kamid noqonaya Aqalka Hoose oo lagu doortay Cadaado

iftineducation.com Qaasim Maxamed Jaamac oo u sharxaa in uu kamid noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ku guuleestay in uu noqdo Musharaxii sedexaad ee ku guuleesta in uu Maamulka Galmudug ku matalo Xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.


Musharax Cabdirisaaq Cabdulaahi Jaamac oo kursiga kula tartamayya Xildhibaan Qaasim Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay in uu tartamo, waxa uuna sheegay in isagu si iskiis ah u go’aansaday in uu tartanka isaga haro.


Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo kasoo jeeda Beesha Madhibaan ayaa horey uga mid ahaa Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday waxa uuna Xildhibaankan la dhashay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)



Daawo Sawirada: Xidhibaankii Sedexaad oo kamid noqonaya Aqalka Hoose oo lagu doortay Cadaado



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *