Uncategorized

daawo Hogaamiyaha Ururka Daacish oo Ciidankiisa Ugu Baaqay Inay Difaacaan Magaalada Mosul

iftineducation.com –  Hogaamiyaha ururka Daacish ayaa dagaalyahanadiisa u soo duubay cod maqal ah
kaasi oo fariin uu ugu diray saraakiisha ka tirsan ururka Daacish ee ka dagaalamaya Magaalada Mosul.


Codkan Maqalka ah oo ay Daacish soo bandhigeen, ayaa waxa ay ku sheegeen inuu yahay Hogaamiyaha Ururkooda Abuu Bakar Al-Baqdaadi, 


waxaana uu si adag uga hadlay dagaalka Magaalada Mosul iyo weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Xulufada ee uu Maraykanka hor kacayo.



Hogaamiyahaasi ayaa Dagaalyahanada ururkaasi iyo Shacabka ku sugan Magaaladaasi Mosul ugu baaqay inay difaacaan Magaalada oo ay ka difaacaan waxa uu ugu yeetray Cadowga ku soo duulay ee isku dayaya inay qabsadaan.


Waxaana uu mar kale ku cliyay in dagaalyahanada Daacish inaysan marnaba ka bixi doonin Magaalada oo ay ku mayal adeegi doonaan, si ay isaga dhiciyaan ciidamada Xulufada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *