Uncategorized

Cilad Facebook gashay oo dad nool ku tilmaantay ‘kuwo dhintay’

iftineducation.com – Cillad farsamo oo lama filaan ah ayaa keentay in muddo saacado ah dad badan oo isticmaala Facebook ay barahooda ku qortay in ay dadkaasi dhinteen.


Khaladkan farsamo oo dhacay shalay Jimcihii ayaa keenay in ay dad nool barahooda lagu arko astaan murugo oo baroor diiq ah.



Dad badan ayay arrintani ku khasabtay in ay fariimo u qoraan ehelka iyo asxaabtooda iyaga oo u sheegaya in ay nool yihiin oo waxan meesha ku qormayna yahay been.
Af-hayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa yiri “cilladii farsamo ee foosha xumayd haatan waa la xalliyey, aad na waanu uga xunnahay waxan dhacay”.
Fariintan oo ahayd mid loogu talo galay in lagu xasuusto dadka geeriyooday ee adeegsan jiray Facebook ayaa si khalad ah u gaadhay bogagga dad nool oo uu ka mid yahay madaxa shirkadda Mark Zuckerberg.
Fariinta boggiisa ku soo qorantay ayaa waxay u dhignayd sidatan: “Waxaan rajaynaynaa in dakii jeclaa Mark ay ku samri doonaan waxyaabihii wacnaa ee intii uu ifka joogay qaban jiray, isla markaana ay asxaabta kale xasuusin doonaan si ay u xusaan noloshiisii”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *