Uncategorized

Caalamka oo ka tacsiyeynaya kooxdii ku dhammaatay shilka

iftineducation.com – Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil.


Waxay dadkaasi tagayaan karoonka kooxda diyaaradda la burburtay.


Chapecoense ayaa inta badan ciyaartoydeeda ay ku dhinteen burburka diyaaradda oo ku dhacday dalka Comlombia.


Taageerayaasha kooxda ayaa u lugeynaaya garoonka si ay ugu duceeyaan kooxda baaba’day.


Kooxda waxay u socdeen inay sii ciyaaraan kullankoodii ugu weynaa abid oo ah finaalka horyaalka Copa Sudamerica.


Xiriirada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.


Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.





Lionel Messi iyo Neymar waxay dhankooda ka tacsiyeeyeen dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *