Uncategorized

Caalamka oo ka baqaya in xasuuq weyn uu ka dhoco Xalab

iftineducation.com – Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu yeelanayaa kullan degdeg ah oo ku saabsan dhibaatada haysata kumannaan qof oo shacab ah oo ku xayiran Xalab.


Arrintan ayaa ku soo aadeysa ayadoo ciidamada dowladda Suuriya iyo xulafadooda ay ku sii socdaan cirifka deegaanada mucaaradka ay maamulaan.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, 



Jean-Marc Ayrault, wuxuu sheegay in Faransiiska iyo xulafadooda aysan ka aamusnaan dooni dhibaatada Xalab.


Wuxuu tilmaamay inaysan indha ka qabsaneyn in saadaashu ay ahaato in Xalab uu ka dhoco mid ka mid ah xasuuqii ugu ballaarnaa dunida tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.


In kabadan 20 kun oo qof ayaa ka qaxay dagaalka hadda socdo.


Shaqaalaha gurmadka waxay sheegayaan in shacabka ku haray goobaha ay mucaaradka maamulaan aysan haysan cisbitaallo, cuntadana ay gabaabsi ka tahay.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *