Uncategorized

Akshay Kumar somalida u taqaano mustarboon oo booqdey Militeriga Hindiya.

iftineducation.com –  Super Star Akshay Kumar ayaa kulan la qaatay ciidanka militariga Hindiya gaar ahaan hogaanka ku sugan dhulka muranka badan ka taagan Jammu iyo Kashmir.


Akshay Kumar ayaa magaalada Delhi kasoo tagay soona booqday Jammu si uu waqti ula qaato ciidanka Hindiya madaama xidigaan aabihiis korneel ahaan jiray.


Akshay wuxuu ciidanka yiri “Waan nasiib badanahay hadii aan idinka idinla kulmay, marwalbo waxaan dhihi jiray waxaan ahay geesiga shaashada ku matalo askarinimo anigoo qori been abuur ah wato”
“Laakiin idinkaa ah geesiyaasha dhabta ah sidoo kalena qoriga rasmiga ah rasaasta ka rido naftiina dalkeena u hurtiin”


Akshay Kumar ayaa sidoo kale 9 Lakh ($13,636) ugu yaboohay ciidankii dhawaan Hindiya ka geeriyoodeen qoysaskooda kuwaas oo qarax lagula beegsaday xaruntooda Uri ku taalo.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *