Uncategorized

16 jir Afrikaan ah oo Baabuur Gacantiisa ku sameeyay. nothing impossible every thing is posible

iftineducation.com – Wiil dhallinyaro ah kana soo jeeda dalka Nigeria gaar ahaan gobolka Ebonyi laguna magacaabo Ihere-serg Mascot ayaa wuxuu gacantiisa ku sameeyey gaari. Wiilkaan ayaana isticmaalay soolar tamar ahaan ah waxa dhaqaajinaya gaarigaan.


16 sanno jirkaan lagu magacaabo Ihere-serg Mascot ayaa daaha ka qaaday in gaarigiisu uusan u baahneyn in lagu shubo gaas ama shidaal wuxuuna ku soconayaa soolarkaas oo keliya.


Ihere-serg Mascot ayaana wuxuu gaarigaan shacabka gobolkiisa ugu soo bandhigay guriga guddoomiyaha gobolkaas oo lagu magacaabo David Nweze Umahi.


Wixii intaas ka dambeeyey dad badan ayaa Facebook iyo guud ahaanba baraha bulshada kusoo ammaanay tayada wiilkaan waxayna dowladda Nigeria ugu baaqeen inay taageero u muujiso.





16 jir Afrikaan ah oo Baabuur Gacantiisa ku sameeyay. nothing impossible every thing is posible

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *