Uncategorized

Wasiirka Amniga: Shabakado isku xiran oo dadka u dhoofiya yurub oo dalka rabay inay sharcidaro uga dhoofiyaan ayaan qabanay

iftineducation.com – Wasiirka Amniga Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay gacanta ku dhigtay Shabakado isku xiran oo rabay inay dalka si sharcidaro uga dhoofaan. 



C/risaaq Cumar Maxamed, waxa uu sheegay Dadkaan in lagu qabtay nidaamka Baarista Documentiyada ee Garoonka Aadan Cadde, lana ogaaday waxyaabihii ay wateen inay faalso ahaayeen. 
Waxa uu tilmaamay sidoo kale qaar kale in lagu qabtay Garoomada ku yaala Maamul Goboledyada dalka ka jira. 
Wasiirka ayaa sheegay dadka Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay inay gaarayaan ilaa 20 ruux oo ah Shabakad isku xiran. 
“Runtii waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo Shabakadaha dhowr marna waa la qabtay markii ugu dambeysana dhawaan ayaa la qabtay oo labaatameeyo ka dhoofaayay Garoonka Diyaaradaha ayaa laga qabtay, waxaana sahlay nidaamka Garoonka ka jira oo Datada la geliya, Baasaboorka ama fiisaha wuxuu sheegay inay ahaayeen wax la soo sameeyay oo aanan sax aheyn, dhinaca Garoomada kale ee Maamul Goboledyada iyaga howshaasi la mid ah ayeey qabteen.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaliya 
Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga Somaliya, wuxuu ka jeediyay kulan looga hadlaayay tahriibka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *