Uncategorized

War Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka

iftineducation.com – Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa soo dhaweeyay Maamul-gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed oo ku guulestay in ay soo doortaan Xubnihii u matalayey aqalka sare wuxuuna guddigu ugu hambalyeynayaa sida ay ugu dadaleen in ay qondada haweenkana soo buxiyaan.


War Saxaafadeed soo gaaray Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayuu Guddigu sidaasi oo kale waxa uu soo dhaweynayaa Maamul-gobaleedka Jubbaland oo ku gulaysatay in ay doorato xubnihii u matali lahaa aqalka sare.


Guddigu waxaa uu soo dhaweynayaa dhismaha Maamul-goboleedka HirShabeelle waxaana uu ugu baaqayaa in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta u tartamaya aqalka sare, iyagoo dhowraya guud ahaan shuruudaha ay madashu u dajisay magacaabista musharraxiinta aqalka sare sida in 30% kuraasta aqalka sare ay haweenka si gaar ah ay ugu tartamaan.


Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in afar (4) Maamul-goboleed oo kala ah: Gal-Mudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland in ay soo dhameystireen doorashadii xubnihii u matali lahaa aqalka sare, taasi oo ka dhigeysa Xildhibaanada aqalka sare ee ilaa hadda la soo doortay 35 Xildhibaan oo u dhiganta 65% ee tirada guud ee xubnaha aqalka sare oo ah 54.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *