Uncategorized

Turkey-ga oo Niyad jab ka muujiyay Doorashooyinka Soomaaliya

iftineducation.com – Amb. Olgan Bekir Safiirka Dowladda Turkey u fadhiya Soomaaliya oo kulan ballaaran la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Avv Cumar Dhagey ayaa kala hadlay arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.


Labada dhinac ayaan isla soo qaaday arrimaha Amniga iyo Dhaqaalaha Doorashooyinka Soomaaliya.


Waxaana Masuuliyiinta ay kulmeen Khamiistii iyagoo sidoo kale kulankooda uga hadlay arrimo  Xasaasi ah oo ay ka mid tahay in Turkey ay ka niyad jabsan tahay Doorashooyinka waddanka oo fara gelin qaawan ay ku heyso Beesha Caalamka.







Safiirka Turkey-ga ayaa bartiisa Facebook waxa uu soo dhigay qoraal uu ku muujinayo Niyad Jabka ay ka qaadeen sida ay beesha Caalamku u maamuleyso Geedi socodka Doorashooyinka Soomaaliya.


Dhinaciisa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa waxa uu tilmaamay in ay ka go’antahay guddigiisa in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah.


Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Sanadkaan Dowladda Turkey-ga  uu tartan culus ka soo food saareyso dhanka Dowladda isu tagga Imaaraatka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *