Uncategorized

Stefan Löfven: “Suuragal maahan in Hangari diido heshiishyaddii Midowga Yurub”

iftineducation.com – Ra’iisal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven, ayaa gaashaanka u darruuray go’aanka uu dalka Hangari ku diiday wax ka qabashada qalalaasaha muhaajirinta ee Yurub ku soo qul qulaya ee dalkiisa kaga aadan.


Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaruhu sheegay mar uu kulan maalintii shalay aheyd la qaatay dhigiisa dalka Burtgaal Antonio Costa oo socdaal ku yimid magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Iswiidhan.


Stefan Löfven, ayaa sidoo kale tilmaamay in Hangari saamigii ka soo gaaray uu yahay kii ugu fududaa ee dal xubnaha ka ah la siiyo, saas oo ay tahayna natiijadii codbixinta ee la qaaday uu ahaa 98% sida ay dowladu dalkaasi dooneeysay oo ah ineey dib u aqbasho qaxootigii dalkeedii horey u soo maray.

“Muhiim ma ahan  inta codka diidmadda u qaaday ee waxaa muhiim ah  dhamaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub la yimaadaan go’aan xal looga gaaray dalkii saamigiisa masuuga” ayuu yiri Löfven oo walaac ka mujiiey go’aanka dalkaasi Hangari ku doodayo inaan muhaajirintii horey u soo maray misna faro laga qaaday dib loogu soo celiyo.

Dalka Hangari oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa dhawaan waxaa uu diiday in dib loogu celiyo qaxootiga dalalka Iswiidhan iyo Jarmalka ay diideen ineey siiyaan magangalyo, taasoo ay ku doodeen dalalkaasi laftooda in cahdigii Dublin uu dhigayo in dalka ugu horeeysa ee qofka muhaajirka ah ka dalbado magangalyo uu mas’uuliyadeeda qaadayo. Hase ahaate Hangari oo ah dal ku sifoofay neceyb ka dhan muhaajirinta gaar ahaan muslimiinta  ayaa ka soo horjeestay cahdigii dalalka bahwadaagta ah u yaalay.
Somaliska/Wakaaladda wararka TT

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *