Uncategorized

Soomaalida isticmaasha Facebook oo sawirada profileka ka dhigtay calanka Somalia udiyaar garowga Doorashada 2016

iftineducation.com Iyada oo ay soo dhowdahay munaasabada  Doorashada qaranka soomaalia, ayaa laga dareemayaa udiyaar garowdeeda meel badan oo ka tirsan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, u diyaar garowga doorashada waa mid ku wayn quluubta Soomaalida, waa maalin qiimo uleh umdda Soomaaliyeed kana saari karto mugdiga lagujiro.


Soomaalida isticmaasha facebook ayaa ku wada balamay in maalinkaas qofkasta sawirkiisa uu ka dhigto calanka sharafta leh ee Somalia, sanadkaan ayaa noqon doono sanadkii ugu badnaa ee la isticmaalo calanka Somalia


Somali Flag (Calanka Soomaalia)
Somali Flag (Calanka Soomaalia)





Dad badan ayaa sii bilaabay isticmaalka calanka Somalia taas oo ay ku muujinayaan dareenkooda wadaninimo, waxaana la filayaa in kumanaan kale oo Soomaali ku sii biirto adeegsada calanka Somalia.


Abdikadir Boos oo ah wariye ka hadla arimaha Sportiga ahna dhalinyarada isticmaasha facebook ayaa yiri “Reer Facebook Wiil iyo Gabarba waxaan idin ka codsaneeyna in aan si wada jir ah u saarano calankeena si aan u soo dhaweeynodoorashada sanadkaan ka dhaceyso wadankeena soomaliya laga bilaabo doorashada xildhibaanada golaha sare iyo dhexe ilaa doorashada madaxweynaha, taasna aay tusto dadka kale in aan nahay Asxaab isku xiran, kuna danbeyso Muwadinimo Thnks All”


Nashaad Abdi Weli oo ah gabdhaha isticmaala facebook ayaa ku boorisay Soomaalida isticmaasha facebook in maalinkaas ay sawirada profile kooda ka dhigtaan calanka Somalia, Nashaad ayaa shee sheegtay in sawirka la soo saarto facebook ee qeeb katahay wadaninimada.


Nawal Hassan Daacad oo ah gabdhaha isticmaala ayaa balan ku qaaday in maalinka ay dhaceysa doorashada madaxweynaha uu labiskeeda noqon doono calanka Somalia.


Migrant Majdah oo ah gabdaha isticmaala facebook ayaa iyada ku nuux nuuxsatay in laga maarmaan uu yahay isticmaalka calanka Somalia, Migrant Majdah ayaa sheegtay qofkasta oo jecel dalkiisa in uu isticmaali doono calanka Somalia.


Maxamed Sadiiq oo ah wariye ka hadla arimaha bulshada ayaa sheegay in maalinta doorashada ay tahay maalin muhiimadeeda leh cidka kasta oo damiir wadaniyad leh ay maalinkaas muujin doonto heerka ay gaarsiisantahay wadaniyadiisa.


Isticmaalka calanka Somalia ayaa noqon doono mid umada dareensiiya jiritaankooda iyo caqabadaha ka hortaagan, taas oo meesha ka saari doonta kala fogaanshaha u dhexeeyay umadda Soomaaliweyn.


W/Q: Daalac Daahir Shoot


E-mail: daalac9@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *