Uncategorized

Sidee ayaad ku ogaan kartaa qofka aad ka shukaansato dhanka aalada internetka in uu been kuu sheegayo uu xiriirkiisa yahay been.

iftineducation.com – Horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada waa mid kuu suurta galin karta in aad xiriir la sameeso qof aadan arag ama aadan hore u maqlin ama aadan la kulmin, xiriirka ayaa ukala baxa laba nuu mid aad qofka si toos ah ula kulmi kartid iyo xiriirka dhanka aalada internetka idinka oo isku arka mid kamid ah aaladaha online social media.
Xiriirka ayaa ah mid mar dhab noqda marna noqda mid ku saleesan been, hadaba maanta waxaan idiin wadaa qoraaga sare Daalac Daahir Shoot qaababka ugu macquulsan ee lagu ogaan karo qofka aad xiriirka la leedahay in uu xiriirkiisa yahay mid been badan.


1. Jaceyl deg deg ah oo laguu soo bandhigo


Jaceylka waa mid ku yimaado sababa badan, qofka aad internetka aad ka baratay mudo iyada oo aan laga soo wareegin ama kulanka ugu horeeya ee isbarashada waa mid kuugu dhaha jaceyl ayaan kuu qaaday, waan kaa helay, walina ma cada qofkaas in uu ku arkay ma hubyo qofka uu la hadlayo wuxuu yahay, qofka isaga oo aan meel kale ka fiirsan ayuu ku dhahayaa waan ku jeclahay, taasna waa mid caqliga diidaya.


2. In la arko ama lala kulma qofka oo ka caga jiido


Sawirada qofka uusaaran mid kamid ah aaladaha aad isku barateen laga yaabee in uusan qofka isaga laheen ay yihiin sawiro dad kala ah, markii uu xiriirka sii balaarto waa lama huraan labada qof in ay is arkaan ama wada kulmaan, hadii aad isku magaalo joogtaan waxaa idiin sahlan in aad kulantaan, hadii aad kala fogtihiin waxaa kuu sahlan in aad ku kulantaan dhanka kaamirada, hadii uu qofka ka caga jiido kaamirada waxaad ogaataa qofkaas iyo sawirka aad ku baratay in ay aad ukala duwanyihiin laga yaabee qofka aad isla wada hadleesaan in uu yahay qof ku yaqaano, markasta aad is balansataan waa mid marmarsiyo badan isaga ama iyada oo ku dhahdo kaamira iima lahan komputerka.


3. Qofka oo markasta kaa wareesta wax kabaxsan xiriirka


Xiriirka waa mid lagu tiigsanayo in lagu gaaro mustaqbal cad aan mad madow laheen, hasa ahaatee qofka aan aan mustaqbal rabin waa mid arimo aan ku habooneen mustaqbalka kaa wareesta, waxaadna ka garan kartaa qofka oo hadalkiisa ubata wax dareenka aadamiga kiciya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *