Uncategorized

Nin British ah oo laga yaabo in uu noqdo qofkii ugu horeyay ee adduunka laga daaweyo HIV ..

iftineducation.com – Nin 44 sano jir ah oo u dhashay Britishka- ayaa waxaa laga yaabaa in uu noqdo qofka ugu horeeya ee dunida ee laga daaweyo cudurka HIV.
Tijaabada ayaa tusaysa in feyruska aan laga arki karin dhiigga ninka oo horay u qabay cudurka HIV-, ka dib markii loo adeegsaday daaweenta cusub ee loogu talagalay in lagu ciribtiro-fayraska.
Cilmi baarayaasha ayaa ka digay in ay tahay xilli hore in la sheego haddii daaweynta ay dhab ahaantii shaqeeysay laakiin wuxuu sheegay in ninka,cudurka laga daweenayay uu sameeyey “horumar la taaban karo dhanka caafimaadkiisa”.
Bukaanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee 50 qof si ay u dhamaystiraan tijaabada daaweynta kaas oo ku biloowday laba-nooc ““kick and kill” ee weerarka fayraska.
Daaweynta cusub waa mid aad u wanaagsan waxay raadisa islamarkaana burburisa HIV ee qayb kasta oo jirka oo kamid yihiin unugyada nasinta ee ka qarsoon daaweynta.
“Tani waa mid ka mid ah isku dayga ugu horeysay ee daawo buuxda loogu heli karo HIV,” ayuu yiri Mark Samuels ee Machadka Qaran ee Britain ee Cilmi-baarista Caafimaadka.
“Tani waa caqabad weyn walina waa wakhti hore, laakiin horumarka waa ayaa ah mid cajiib ah,” ayuu yiri Mark Samuels .


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *