Uncategorized

Maxay Ka Siman Yihiin Sedexda Super Star Mahesh Babu, Salman Khan Iyo Rajinikanth

iftineducation.com – Super Star Mahesh Babu oo ah suldaanka Telugu hogaamiyo ayaa hadal heyn cusub la yimid wuxuuna si toos ah u noqday atooraha lacagaha ugu badan filimka Tollywood ku sameeyo.


Hadii Salman Khan uu yahay atooraha filimada lacagaha ugu badan ku sameeyo Bollywood-ka sidoo kalena Rajinikanth uu yahay atooraha Tamil (Kollywood) lacagaha ugu badan filimadooda ku sameeyo markaana Mahesh Babu ayaa Telugu la wareegay.





Mahesh Babu filim cusub ee uu iska leeyahay Director Koratala Siva ayuu saxiixday waana ninkii  sanadkii hore u sameeyay filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Sreemanthudu.


Suldaan Mahesh Babu sameynta filimkaan wuxuu ku qaadan doonaa 30 Crore asigoo haatan baska gadaale ku reebay Prabhash oo sameynta filimka Bahubali ku qaatay 25 Crore qaybtiisa labaad.


Atooraha Bollywood-ka lacagaha ugu badan ku sameeyo waa Salman Khan oo halkii filim sameyntiisa ku qaato lacago u dhaxeyso 55 Crore ilaa 60 Crore.


Rajinikanth isagana aa atooraha Tamil lacagaha ugu badan filimada ku sameeyo wuxuuna halkii filim ku qaataa 50 Crore aduun lacageed gaarayo.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *