Uncategorized

Man United Oo Baadi Goob Ugu Jirta Qaabkee Ay Ku Heli Laheyd Ciyaaryahan U Ciyaara Kooxda As Monaco

iftineducation.com – Kooxda Manchester United ayaa isku diyaarineyso sidii ay dalab bisha January ugu diri laheyd ciyaaryahanka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda AS Monaco Tiemoue Bakayoko sida ay qortay maanta Majalada The Sun.


Macalin Jose Mourinho ayaa doonayo in kooxdiisa uu ka dhiso daafaca iyo qadka dhexe ba waxa uuna u arkaa 22 Sanno jirkan mid ku haboon shaxdiisa Old Trafford.


Man United ayaa loolan xoogan kala kulmi karto dhigeeda Juventus sida uu cadeeyey wakiilka xidigan, kooxda Bianconerri ayaa si ba’an u baadi goobeysay xidigan suuqii kala iibsiga xagaaga balse waxa ay ku fashilantay iney lasoo wareegto.


Ugu damebyn waxaa xusid mudan in kooxaha West Brom, Stoke iyo Southampton ay sidoo kale xiiseynayaan adeega ciyaaryahanka u dhashay dalka France.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *