Uncategorized

Madaxweynaha cusub Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyn (Sawirro)

iftineducation.com – Madaxweynaha cusub Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyn (Sawirro)


Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Madaxweyne Cosoble ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaldaa Beledweyne.


Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana soo dhaweeyey xubnaha ugu sareeya maamulka gobolka gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyn.


Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa xubnaha wafdiga ka mid ah Maxamed Cabdi Waare oo ahaa musharixii la tartamay Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Jowhar.






Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho   waxgaradka reer Hiiraan iyo dadka diidan dhismaha maamulka Hirshabeele. Madaxweyne Cosoble ayaa booqasho ugu tegey hotelka uu ka degen yahay magaalada Beledweyne Ugaas Xasan Ugaas Khaliif hase yeeshee ma jiro wax wadahadalo ah oo ay yeesheen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *