Uncategorized

Layaab Dowlada sacuudiga oo u badalatay kalandarka masehiga iney isticmaasho, kan islamkana tuurtay

iftineducation.com – Layaab dowlada sacuudiga oo u badalatay kalandarka masehiga iney isticmaasho kan islamkana tuurtay


dowlada sacuudiga ayaa waxay go’aansatay ineey iska badhasho kalandarka islaamka una guurtay kalanandarka gaalada ama masehiga axadi (2/10/2016) qorsha ka mid ah beeqaameynta dhaqaalaha.



ilaa markii la aas aasay wadankaasi sacuudi carabiga 1932 dii, Saudi Arabia waxay isticmaalaysay kalandarka islamka ama hijriyada oo ka gaaban 15 maalin sanadkii marka la bar bardhigo kalandarka Gregorian ama  masehiga.


AFP



go’aan kaan ayaa waxow ka saacidaa ineey beeqaamiyaan lacagta shaqaalaha dowlada iyo gunada sanadkii lasiiyo shaqaalaha maxaa yeelay kalandarka masehiga wuxuu ka badan yahay kan hijriada 15 bari sanadkii ayay leeyihiin dowlada sacuudi carabiya.




isbuucii lasoo dhaafaayay dowlada sacuudi carabiya waxay shaacisay ineey dhintan mushaaraadka shaqaalaha dowlada wasiirada iyo barlamaanka ama golaha shuurada.



go’aankan baakajka beeqaameynta dhaqaalaha ama austerity package wuxuu kamid yahay mid hori shaqaalaha loogu yareyay mushaarka iyo gunooyinka kale ee lasiin jiray.



Saudi Arabiya waxay qaaday tilaabo ay ku beeqaamineyso dhaqaalaheeda kadib markii hoos u dhacay qiimaha shidaalka aduunka mudo laba sano ku dhow.







Xigasho : http://m.gulfnews.com/news/gulf/saudi-arabia/public-sector-loses-11-days-of-salary-after-calendar-switch-in-saudi-arabia-1.1903333


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *