Uncategorized

Ila Tali: Ninkeyga wixii aan ku balanay ima siin

iftineducation.com – Ila Tali: Ninkeyga wixii aan ku balanay ima siin


Alhamdulillah Canada ayaan daganahay da’deyda  waa 22 sano jir, 


mar dhow ayaan nin  is guursanay, 


shuruudaha guurka waxaa ka mid ahaa in ninkeyga uu u dacwooda walaasheyda iga wayn oo joogto Kenya, 


markii aan is aroosnay, wuxuu keenay madax adeeg iyo arimo kale, 


wuuna diiday in uu u dacwooda walaasheyda, xitaa balanta labadeena kaliya ma ogeen waxaa ogaa faamilkeyga iyo kiisa, 


gabar ay isaga isku dhowyihiin ayaa ii sheegtay in uu leenka mar hore si qarsoodi ah uga gatay dad kale oo loo shubay lacagta mar hore, 


wuu iga qarsanayaa arinkaan, maxaan sameeyaa? balantii aan wada galnay kama haayo, 


walaasheydane way isugoosaa waan war galiyay guurkeena  kadib in ninkeyga u dacwoon doono? tala keena waadna mahadsantihiin.asc


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *