Uncategorized

Hadii Aadan Awoodin Guur Maanta Ah Bari Ha Isku Haleynin Jaceylka Qeybta 1-aad (Qiso Xanuun Badan)

iftineducation.com – Qisada waxay ku dhacday wiil soomaaliyeed oo lagu magacaabo Najiib Axmed
Najiib  ayaa xariir la soo sameeyay Shabakda Arimaha Bulshada shumis.net Najiib wuxuu hadalkiiisa ku bilaabay sida tan :


waxaan mudo school isla dhiganaynay Mulki Mohamed oo aheyd gabar aad u qurux badan bashaash ah oo fur furan kana duwan gabdhaha kale ee schoolka nala dhigan jiray aragtideedii koowaad Mulki waxey igula muuqatay qof ku haboon in aan nolasha laqeebsan karo isla markaana aan  niyadayda aan ka dhadhaciyay sidii aan kubaran laha Mulki waqti dheer ayay igu qaadatay barashadeeda nasiib wanaag waxan kadis isku baranay Maryan Cabdulilahi oo ahayd saaxiibada kaliya ee Mulki ku dhaarato isla markaana aan si toos ah ula xiriiray Maryan ayan ka codsaday in ay ibarto Mulki nasiib wanaag wey iga aqbashay iyado uwacday Mulki oo aan ka fogeyn halka aan ku sheekeysanaynay Maryan


Maryan oo ah qof wax garad ah aya kudhahday Mulki iyado dhoola cadanaysa Mulkiyey wilkan quruxda badan iska baro qofyahey fuulxumada badan magaciisa waa Najiib Axmed waa wiil aad u wanaagsan Mulki oo qoslaysa  ayaa igu waxay igu dhahday quruxlowga barasho wanaagsan leer qaboow ah ayaa imartay waxaan niyadayda ka dhaadhacsiiyay inaan helayba Mulki maadaama ay si farxad kudheehantahay iisoo dhawaysay aniga waqtigaas waxaan dareemayay jawi qurux badan
Mulki ayaan kuhelay fursad kaligeed ah waxaana ka qatay Numberka iyada u qaaska ah .


mudo dheer waxaan ku wada xiriiri jirnay telka maalin ayaan Mulki si kadis ah iskugu aragnay wadada waqtigaas kaliged ayay socotay salaan iyo is marxabeen kadib iyo sheeko dheer ayaan Mulki ubandhigtay jacelka an u qabo baxadisa waxana ku war galiyay inuusan ahayn mid hada bilowday sidoo kale waxaan u sheegay inaan mudo hawada ka jeclaay waxaanan ka codsaday inaysan hada wax jawaab ah aysan isiinin an caawa ka sugayo jawabteyda telka guul iyo guuldarobo waqtiga wuxu is guray ba waxaa la gaaray habeen anigoo telka isha kuhayo waqtiba waqtiga ka danbeeyo  nasiib wanaag Mulki ayaa isoo wacday aad ayaan u farxay markii aan arkay Numberka isoo wacayo inuu yahay qofta aan aadka jaceylka ugu qaaday Mulki waqtigas wadnahayga aad ayuu ii garaacmayay waanka qabtay talefanki si wanaagsan ayay ii salaantay Najiib cod gaaban ah misana xishood ka muuqdo.dhanka kale aniga  waxaan sugi la’ahay Mulki oo halmar igu dhahda eray wanaagsan misana I dareensiiyo inaan ahay qofka nasiibka badan ee Mulki ay wax u qaadayso waa hadiiba ay jaceylka aqbashay inaan sii socodsiino e
Toloow Mulki maxay igu dhihi doontaa
Miyay aqbali doontaa mise dhulka ayay ila jari doontaa
Aqristoow Bari lasoco Qeybta Labaad Oo Xamaasad Gooni Ah Leh 


W/Q:Mohamed Amin Carab

Shumis.net@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *