Uncategorized

Hadii Aadan Awoodin Guur Maanta Ah Bari Ha Isku Haleynin Jaceylka Qeybta 2-aad (Qiso Xanuun Badan)

iftineducation.com – 

Nasiib Wanaag Mulki oo xishood iyo farxad iyo neef tuur laga dareemayo ayaa igu dhahday gacaliye waad guulaysatay jawabteydana waa haa Najiib aboowe anigaba waan kaa helay lakin waxaan ahay qof dumar ah inaan is qariyo waan ku qasbanaay waana ku faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee sii xoogsaday oo ina dhex marayo laakiin mid ayaan kaa codsanayaa ma ii balan qaadi kartaa inaadan i qiyaamayneynin .

Anigoo aad u faraxsan isla markaana wajigeyga uusoo buuxshay dhidid ayaan ku dhahay Mulki Macaanto qofki adiga ku barto misana arin jaceyl kula damcaa hadana noqdo xidiga jaceylka miyaa wax qiyaami karo xaqiiqdii gacaliso maanta waxaan isku heystaa inaan ahay ninka dunida dhan kala wado Mulki ayaa hal mar lasoo booday waadba tahay macaane ee ii balan qaad taas,

Anigane waxaan ahaa qof diyaarsan oo sugayay guul waxaan kudhahay macaaney waa balan iyo axdi inaan marna ku qiyaamin ee adna booskaga kasoo bax waxaan wada dhiganay balan iyo axdi waxaa la gaaray xili danbe halkaas ayaan isku macsalaamaynay waxaana ku balanay bari inaan suuqa isla aadayno si aan xasuus cusub u sameysano habeenkas mudo sadax bil markuu jaceylkena si wanaagsan u socday Mulki ayaa waxay iga codsatay inaan aqal galno waqtigas waxaan ku sugnaa Wadanka Koonfur Afrika waxaan ka codsaday gacalisadeyda inay iga war sugto aniga waqti yar  inagoo sidaas ku balanay ayaa musiibada waxay timid markii uu koonfur africa ka imaday wiil Mulki adeerkeed dhalay Isago ka codsaday reerkeeda in lagu daro mulki una balan qaaday inuu bixin doono lacag fara badan durbadiba wey ka aqbalen iyagoo isku afgartay in loo guuriyo Mulki arintii waxaa loo bandhigay Mulki.

 Mulki ayaa ka biya diiday una sheegtay in ay jeceshahay yar kale balan iyo axdi ay meel wada dhigteen qof an asaga ahayna aysan guursan doonin Naasiib xumo Mulki waalidkeda ayaa ku adkeystay in loo guurin doono wiilkan adeerkeda dhalay waliba isbuuca soo socda loona taagay laba far waa duco iyo habaar E argagax ayaa ku dhacay gacalisadeyda Mulki iyadoo durba qolkeeda ku carartay dhexdana ka xiratay yaab iyo anfariir badan kadib ayay isoo wacday iyadoo oynaysa waxayna doonaysay in ay ila kulanto isla caawa anigoo yaban isna weydinaya toloow maxay la oynasaa? maxaase kudhacay? isla markiiba labis ayaan isku boobsiyay waxaana abaaray halkii ay igu balamisay  nasiib wanaag Mulki aniga ayayba I sugeeysay Salaan kadib wajigeda waxaan ka dareemayay in aysan jirin wax farxad ah isla markaana ay soo wajaheen culeesyo fara badan

Toloow Mulki maxay sameyn doontaa ?

Ma noqon doontaa geesiyada jaceylka oo Axdigeenii hore miyay ilaalin doontaa mise waxay raaci doontaa farta gacalisadayda ii aqoonsan doonta ee ay waalidkeed kusheegeen inay duco tahay???

Aqristoow Lasoco Qeybta 3aad Oo Noqon Doonta Mid Xamaaasad Gaar Ah Leh Maalinta Isniinta Insha Allaaah  

W/Q:Mohamed Amin Carab

Shumis.net@hotmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *